SABAB? ”Jose Mourinho waa inuu Milan u mahad celiyaa!” – Clarence Seedorf

(A Coruña) 06 Abriil 2018 – Clarence Seedorf ayaa ku dooday in Jose Mourinho uu u mahad celiyo kooxda AC Milan ‘oo uu jabkeeda darteed ku noqday tababare wayn’.

AC Milan ayaa waxaa 2004 lugtii labaad 4-0 ku xaaqday Deportivo La Coruna, waloow lugtii hore ay Milan kusoo badisay 4-1, kulan ka tirsanaa rubuc-dhamaadka 2004 Champions League, waxaana kaddib wareegga 4-dhamaadka ku dishey kooxdii Mourinho ee FC Porto oo markii dambena koobka qaadday.

“Ma guuldarradii iigu xumayd? Waa 4-0 tii Deportivo. Waxay ii ahayd ciyaartii iigu xumayd, xitaa waxay ka darrayd middii Istanbul,” ayuu yiri Seedorf – oo haatan layliya isla Deportivo – oo la hadlayay Fox Sports.

“Mourinho weli nooma mahad celinin waayo Milan taasi waxay ahayd mid aan caadi ahayn. Waxay ahayd koox adag oo seddexleey ku guulaysan kartey.” ayuu ku dooday Seedorf oo ujeedkiisu yahay in haddii ay Milan berigaa nus-dhamaadka iman lahayd aysan celin karteen FC Porto.

AC Milan’s Clarence Seedorf of The Netherlands, centre greets Real Madrid’s coach Jose Mourinho from Portugal, right in the presence of AC Milan’s coach Massimiliano Allegri reacts during a Group G Champions League soccer match against Real Madrid at the Santiago Bernabeu stadium in Madrid Tuesday, Oct. 19, 2010. (AP Photo/Paul White)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close