Messi oo aad uga carooday Bandhigii Shidnaa ee Ronaldo isagoona doonaya in….

(Spain) 06 Abriil 2018. Real Madrid ayaa hal lug la gashay afar dhammaadka Champions League kaddib markii ay 3-0 uga soo adkaatay Juventus oo mininkeeda joogta lugta hore ee sideed dhammaadka.

Kulanka ayaa waxaa ku kaabeeyay Ronaldo oo dhaliyay labo gool oo uu ka mid yahay mid uu Labaaleey ku dhaliyay taa oo ay saxaafada dhan hadal heyso iyadoo ay xitaa u istaageen taageerayasha Juventus.

Ronaldo ayaa dhigay Rikoodh aan ebid horey loo sameyn kaa oo ah inuu 10-kulan oo xiriir ah goolal ka dhalinayo Champions League.

Messi oo 10-kii sano ee la soo dhaafay ay xifaaltamayeen Ronaldo ayaa la sheegayaa inuu ka carooday bandhiga wacan ee wiilka reer Portugal.

Natiijada sawirka Ronaldo goal vs Juventus

Diario Gol, ayaa warineysa in Messi uu doonayo inay Finalka isku arkaan Ronaldo iyo Real Madrid.

Xiddiga reer Argentina ayaa aaminsan in Barcelona oo kaliya ay tahay kooxda joojin karta guulaha ay Los Blancos ka wado Champions League.

Messi ayaana la sheegayaa inuu arrinkaa la wadaagay saaxiibadiisa inuu doonayo inay Ronaldo isku arkaan Finalka Koobka Dhaga waynaha si uu Koobka uga dhacsado.

Labada Laacib ayaa Ballon d’Or ku wada guuleystay min 5-jeer, sanadkaan ayaana looga fadhiyaa kii Lixeysan lahaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close