Juventus oo mar qura beddeleeysa laba laacib oo isku boos ah (Yay ku bedelaysaa?)

(Torino) 06 Abriil 2018 – Juventus ayaa sida lasoo sheegayo xagaaga direeysa dadabka bidix ee Alex Sandro iyagoo durba isha ku haya dhiggiisa Bayern Munich ee Juan Bernat.

Sida uu dhigayo warsidaha u janjeera dhanka Juve ee Tuttosport, Juve ayaa qiyaastii €60m ka heli karta iibka Ale Sandro oo laga doonayo dhanka Premier League iyo Paris Saint-Germain, tiiyoo uusan bandhiggiisu sanadkan ash ahayn.

Intaa kaddib waxay Juve bartilmaameedsan doontaa 25-jirka Bernat, oo fasalkan 7 kulan u saftay Bayern, taasoo loo aanaynayo isaga oo ay dhaawacyo hareeyeen.

Dookha 2-aad ee dadabka bidix ee Kwadwo Asamoah ayaa isna lagu wadaa inuu xagaaga ka tago Juve waxayna ku beddelaysaa laacibka amaahda uga maqan ee Atalanta u dheela ee Leonardo Spinazzola.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close