Alexis Sanchez oo amooreeyey kahor kulanka Manchester Derby+SAWIRRO

(Mancehster) 06 Abriil 2018. Xilli aysan Manchester United cayaareen tartamada Europe toddobaadkan, Alexis Sancehez waxa uu kaga faa’ideystay in uu saaxiibaddiis Mayte Rodriguez u kexeeyo maqaayad.

Iyada oo ay Arsenal, Liverpool iyo Mancehster City ay Europe ka ciyaarayen, United waxa ay leefetsay nabrihii ka soo gaaray jugtii Sevilla.

Halkii uu joogi lahaa Carrington Training Centre si ay uu isugu diyaariyo kulanka Manchester City, Sancehez waxa uu casho qaali ah u kexeeyey gacalisadiisa Rodriguez.

Sanchez oo ka faa’iideysanaya quruxda jirtay ayaa booqday Piccolino Restaurant oo ku taal  Alderley Edge.

Dhaqankii Sanchez waa midkii lagu yaqaanay raga waxa uuna albaabka u sii furay Rodriguez.

Maqaayaddan ku taal Cheshire oo 2016 la gudoonsiiyey abaalmarinta qaaliag ah ayaa xarun u ah ciyaaryahanada United waxaana sidoo kale Sanchez kala soo qeyb galay Victor Lindedof oo iskii u socday oo ayna wehelisay gacalisaddiia Maja Nilsson.

Bilowga Lindelof ee United uma wacneynw waxa uuna ku soo bilowday 19 kulan oo qura tan iyo markii uu £31million kaga so biiray xagaagii hore Benfica.

Laadaba waxa ay haatan isu diyaarinayaan kulanka Manchester Derby.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close