RASMI: AC.Milan oo heshiis cusub ka saxiixday tababare Gennaro Gattuso

(Milan) 05 Abriil 2018 Kooxda AC.Milan ayaa si rasmi ah u shaacisay inay heshiis cusub ka saxiixday tababareheeda Gennaro Gattuso.

Milan ayaa ku abaal marisay halyeey geedii hore heshiis 3-sano ah oo uu ku sii ahaanayo tababaraha kooxda ilaa 2021.

Kooxda ayaa sidoo kale kor u qaaday mushaarka tababare Gattuso kaas oo ku guulaystay inuu qanciyo maamulka kooxda oo haatan aad ula dhacsan shaqada uu ka haayo San Siro.

Image result for gattuso signs new contract

40 jirkaan ayaa sidoo kale ra’yi ku yeelan doona dhaq dhaqaada suuqa xaggaaga ee kooxdiisa, waana qodob ka mid ah waxyaabihii lagu heshiiyay.

Gattuso ayaa si tijaabo ah loogu dhiibay kooxda si uu u layliyo inta ka harsan xiliciyaareed kaan, balse guulihiisa xiriirka ah ee horyaalka talyaaniga iyo dib u soo noolaynta xamaasadii ciyaartoyda ayaa keentay in lagu abaal mariyo heshiis 3-sano ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close