PSG oo heshiis la gaartay tababarihii badali lahaa Unai Emery

(Paris) 05 Abriil 2018 Kooxda PSG ayaa durba gacanta ku soo dhigtay tababarihii buuxin lahaa booska Unai Emery kaas oo ka tagaya kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Unai Emery ayaa ku guul daraystay inuu kooxda ku hogaamiyo Champions League labadii xiliciyaareed ee uu ahaa tababaraha PSG, wuxuuna kooxda dhaafsiin waayay wareega 16-ka.

Image result for Tuchel PSG

Sida ay baahisay ESPN, PSG ayaa heshiis la gaartay tababarihii hore ee Borussia Dortmund ee Thomas Tuchel, kaas oo noqonaya tababaraha cusub ee kooxda reer France.

Thomas Tuchel ayaan helin koox uu tababaro tan iyo markii uu ka tagay shaqada kooxda Borussia Dortmund, wuxuuna haatan heshiis la gaaray kooxda lacagta badan ee PSG.

Wararka ayaa intaa ku daraya in PSG aysan ku dhawaaqi doonin saxiixa tababare Thomas Tuchel ilaa uu ka dhamaado xiliciyaareed kaan isla markaana uu kooxda ka tago Unai Emery.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close