Maxamed Saalax oo doortay lambarkii uu u xiran lahaa Real Madrid

(Madrid) 05 Abriil 2018. Xidigga Liverpool waxa uu rabaa lambarka Gareth Bale haddii uu ku biiro Real Madrid, sidaas waxaa laga soo xiganayaa warar hoose.

Saalax waxaa si ba’an loola xiriirinayaa Real Madrid kaddib bandhigyadiisa qeyrul-caadiga ah ee uu Liverpool ku soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xiganayo jariiradda ka soo baxda Spain, Diario Gol, waxa ay sheegtay In Real Madrid ay aad kalsooni ugu qabto saxiixa laacibka reer Egypt.

Waxaa la sheegay in masuuliyiinta Bernabeu ay ogyihiin in Saalax doortay lamarka 11-aad.

Saalax isaga ayaa doortay lamabarka 11-aad markii uu Reds ugu soo biiray £38million xagaagii hore.

Laacibkii hore ee Chelsea waxa uu hadda dhaliyey 38 gool dhammaan tartamada.

Saalax waxa uu xalay daah furay goolashii 3-0 aha ee ay uga badiyeen City halka uu salaxay kii Sadio Mane.

Diario Gol waxa ay qoray in Madrid diyaar u tahay in ay ku soo qaadato aduun dhan £157m (€180m).

Hase ahaatee rejada ay ka qabaan saxixa Saalax waxaa carqaladeyn kara Bale.

Saalax ma doonayo in uu aado Bernabeu haddii uu tartan u galayo booskiisa.

Real Madrid waxa ay qorsheeneysaa in ay Bale iibiso xagaagan laakiin waxa uu ku jiraa qandraas dhacaya 2022 wuuna go’aansan karaa in uu joogo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close