Madaxwaynaha La Liga oo sii wada hanjabaada uu ku haayo kooxda Barcelona

(Barcelona) 05 Abriil 2018 Madaxwaynaha La Lig ayaa sii wada dagaalka ka dhanka ah kooxda Barcelona ka hor kulanka Final-ka Copa del Rey.

Javier Tebas ayaa sheegay inay haboon tahay in Barcelona lagu qaado qodobka 155 ee xeerka ciqaabta xiriirka kubadda cagta Spain taas oo ah in la hakiyo ciyaarta haddii lagu soo lifaaqo siyaasad.

Image result for Javier Tebas Barca Fans

Warkaas waxaa si wayn uga carooday taageerayaasha Barcelona iyo waliba gudoomiyihii hore ee Barca kaas oo sheegay in Javier Tebas uu ku dhaqmayo sida dhaqankii Naziga iyo dadka caburiya xuriyatul qowlka.

Balse Javier Tebas ayaa sheegay inuu maxkamad la fuulayo dadka u gaystay aflagaadadaas isla markaana uu wali ku adkaysanayo in la joojiyo ciyaarta haddii taageerayaasha Barcelona ay ku buuqaan heesta qaranka Spain.

Wuxuu intaa ku daray in boqorka dalka Spain uu mudan yahay ixtiraam isla markaana aan loo baahnayn in taageerayaashu ay ixtiraam daro ku hor sameeyaan boqorka dalka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close