Juventus oo calaamadaysatay badalka tababare Massimiliano Allegri

(Torino) 05 Abriil 2018 Shaki badan ayaa laga muujinayaa in tababare Massimiliano Allegri uu sii ahaanayo tababaraha Juventus xiliciyaareedka dambe.

Tababaraha reer talyaani ayaa helaya dalabyo badan oo ka soo gaaraya kooxaha horyaalka ingiriiska, maadaama tababaruhu uu doonayo inuu sameeyo tijaabo cusub.

Image result for Allegri Ancelotti

TuttoMercato ayaa daaha ka qaaday in Juventus ay calaamadaysatay Carlo Ancelotti si ay ugu buuxiso booska Massimiliano Allegri haddii uu go’aansado inuu ka tago kooxda.

Carlo Ancelotti oo soo layliyay kooxo badan oo ka dhisan yurub ayaa koox la’aan ah tan iyo markii laga cayriyay shaqada Bayern Munich bilowgii xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close