”Haddii aan caddaan ahay mar horaa la i cafin lahaa” – Mario Balotelli

(Nice) 05 Abriil 2018 – Mario Balotelli ayaa rumaysan in “in aanu dhibaato wayn qabeen, mar horana la cafin lahaa haddii uu caddaan ahaan lahaa” balse wuxuu ku adkaystay “in aanu Talyaanigu dal ahaan cunsuri ahayn.”

Qannaaska Nice ayaan u dheelin xulka Talyaaniga tan iyo KA 2014, waxaana la yaab lahayd in aanu dib ugu yeerin macallinka KMG ah ee Gigi Di Biagio.

“Garoomada qaar, dad baa igula heesay ‘Talyaani madoow ma jiro, balse anigaaba caddeeyn u ah inay jiraan,” ayuu SuperMario u sheegay So Foot.

“Waxaan qabaa in haddii aan caddaan ahaan lahaa aanan dhibaatooyin badan la kulmeen. Dabcan dhibaatooyin aan gaystey way jiraan, balse miyaa dhaqse la ii cafin lahaa, haddaan caddahay? Sida cad haa.” ayuu raaciyay.

Saas oo ay tahay Balotelli wuxu weli rajo ka leeyahay inay wax hagaagaan isagoo sheegay in aysan arrintu u dhib badnayn sida la moodo.

“Italy ma aha dal cunsuri ah, balse way jiraan cunsuriyiin ku dhex nool. Isbeddelku wuxuu ku jiraa gacmaha jiilka soo baxaya oo ay tahay inay carruurtooda u sheegaan inay dadkoo dhami siman yihiin, tiiyoo ay kala duwan yihiin.” ayuu yiri.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close