GURYO NOQOD: Raiola oo Balotelli usoo wada koox wayn oo Talyaani ah

(Roma) 05 Abriil 2018 – Wakiilka Mino Raiola ayaa galabta booqday xarunta kooxda AS Roma jeer ay hawada ku jiraan warar sheegaya inuu doonayo inuu Mario Balotelli keeno gegada Olimpico.

Warsidaha Il Tempo, ayaa qoraya in Raiola uu la kulmay agaasimayaasha Giallorossi si uu heshiis ula dhameeyo kooxdaasi oo uu uga wakiil yahay laacibka Luca Pellegrini oo qandaraas cusub saxiixi raba.

Yeelkeede, waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu seeska u dhigi rabo qorshe uu Mario xagaaga kula soo biiri karo kooxdaasi, oo uu isla Balo uu waraysi dheer oo uu siiyay La Gazzetta dello Sport dhowaantan ku sheegay inuu jeclaan lahaa ku biirista Roma.

“Waan aadi lahaa Roma, laacibiinta, taageerayaasha. Ilama aha inuu qofna ka caban lahaa inaan Roma aado.” ayuu yiri SuperMario oo uu Juun dhacayo heshiiska uu kula joogo Nice.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close