DAAWO: Gattuso oo caddeeyay kooxda uu shaksi ahaan taageero! (Waa middee?)

(Milano) 05 Abriil 2018 – Gennaro Gattuso aya sheegay in ay “sharaf u tahay” inuu qandaraas dheer la galo kooxda Milan, kaasoo soconaya ilaa 2021 isagoo ballan qaaday inuu sare u qaado kooxda Milan.

Macallinkan ayaa laga soo dallacsiiyay da’yarta Primavera kaddib markii la eryey Vincenzo Montella bishii Nofeember, rikoodhkiisa Serie A ayaana aad u wanaagsan isagoo la kulmay 3 guuldarro, 9 guul iyo 4 barbarro.

“Aad baan ugu faanayaa waqtiga ii gaarka ah,” ayuu Rino saxaafadda u sheegay kaddib markii uu qandaraaska saxiixay.

“Haatan safarka waa inaan sii wadnaa. Waxaan ballan qaadayaa inaan Milan dib ugusoo celiyo booskeedii. Cadaadisyo badan baa jira, balse taasi i dhibi mayso, Milan waa kooxda aan taageero, sharaf bayna ii tahay inaan macallin u noqdo.” ayuu yiri.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close