Bayern Munich oo war farxad leh heshay kadib markii uu tababarka dib ugu soo laabtay goolhaye Manuel Neuer +SAWIRRO

(Munich) 05 Abriil 2018 Kooxda Bayern Munich ayaa helaysa akhbaar aad u fiican kadib markii uu dib tababarka ugu soo laabtay goolhaye Manuel Neuer.

Goolhayahaan ayaa muddo dheer ka maqnaa garoomada kadib dhaawac ka soo gaaray cagta iyo waliba qaliin lagu sameeyay.

Kooxda ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Manuel Neuer uu saaka bilaabay inuu tababar ku qaato kubadda taas oo maalmihii la soo dhaafay uusan awoodin.

Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in goolhaye Manuel Neuer uu si buuxda uga qayb qaato tababarka kooxdiisa si uu u ciyaaro kulamada yar ee ka harsan xiliciyaareed kaan.

Warkaan ayaa ah sidoo kale mid aad ugu wanaagsan xulka qaranka Jarmalka maadaama uu Manuel Neuer taam u noqonayo koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close