”Xitaa sanadkan ma ahane midka kale ayaan koobka qaadaynaa” – Taageerayaasha Talyaaniga oo Juventus ka jeexjeexay + Sawirro

(Roma) 04 Abriil 2018 – Waxaa xalay gurigeeda guuldarradii ugu xanuunka badnayd ee garoonkeeda cusub ku qabsata la kulantay kooxda Juve oo ay 3-0 kaga badisay kooxda Real Madrid.

Waxaana ciyaartaa ka dhacay dhowr waqcadood oo galay taariikhda sida rikoodho la dhigay iyo sacab ay taageerayaasha Juve ku sharfeen haleeyga Real ee Ronaldo oo gool cajiib ahaa ugu labeeyay Juve.

Yeelkeede, taageerayaasha ma cafiyayaasha ah ee Talyaaniga ayaa baraha bulshada la beegsaday kooxda Bianconeri, halkaasoo ay kaga jeex jeexeen iyagoo samaynaya waxa afka baraha bulshada lagu yiraahdo memes, kuwaasoo ka kooban sawirro iyo qoraallo maad ah ee hoos ka dheeho.

Halkan ka DAAWO….

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close