WAALI CAS: Labo Laacib oo YAANYUUR/BISAD darteed looga ceyriyay Kooxdooda!!!+SAWIRRO

(America) 04 Abriil 2018. Labo Laacib ayaa laga ceyriyay kooxdooda kaddib markii ay baraha bulshada soo dhigeen Muuqaal argagax leh iyagoo si xun ugu tacaddinaya Yaanyuur/Bisad.

Naadiga Zulia FC ee ka dhisan dalka Venezuela ayaa kooxda ka ceyriysay oo heshiiskooda masaxday David Barreto iyo Eduin Quero kaddib falka xun ay ku kaceen.

Muuqaalka argagaxa leh ee la soo dhigay Instagram ayaa markii dambe la tir tiray, laakiin wuxuu muujinaya David Barreto iyo Eduin Quero oo si xun u cadaabay mukulaasha ka hor inta aysan Daaqada ka tuurin.

Barreto ayaana ugu sii darnaa oo si xun yeelay Bisada Miskiinta ah, naadiga Zulia FC ayaana soo saaray warbixin ay ku caddeynayso inay tir tirtay heshiiskooda isla markaana kooxda laga ceyriyay.

Waxay kaloo soo jeediyeen in Barreto iyo Quero loo diro dhakhtar Cilimu Nafsiga ah iyadoo ay jirto inaysanba kooxda ka tirsaneyn oo laga diray.

SAWIRRO:

 Two Venezuelan players were filmed torturing cat in Instagram clip

 One of Venezuelan players is filmed pulling at cat's limbs in shocking video

 Cat is thrown from window by two Venezuelan players, who have been sacked

 Cat hits floor after being thrown from window by two Venezuelan footballers

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close