Madaxwaynaha dalka Portugal oo doonaya inuu la kulmo Cristiano Ronaldo kadib wacdarihii xalay

(Lisbon) 04 Abriil 2018 Madaxwynaha dalka Portugal ayaa doonaya inuu si gaar ah u la kulmo hogaamiyaha xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo.
Marcelo Rebelo de Sousa ayaa aad ugu amaanay Ronaldo qaab ciyaareedkii xalay uu ka la hortagay kooxda Juventus markaas oo uu 2-gool ka dhaliyay.
Madaxwaynaha ayaa aad u amaanay goolkii labaalayda ahaa ee xalay uu dhaliyay Ronaldo, wuxuuna intaa ku daray inuu u hambalyeeyay laacibka dalkiisa.
“Dabcan, waan daawaday goolkii Ronaldo, waana u hambalyeeyay, isaga si toos ah u lama hadlin laakiin waxaan fariinta u marsiiyay shaqsi isaga u dhaw” ayuu yiri madaxwaynaha dalka Portugal.
Madaxwaynaha oo labo isbuuc kadib booqasho ku tagaya dalka Spain ayaa qorshaynaya inuu si gaar ah u la kulmo Ronaldo hadddii ay suurogasho sida uu hadalka u dhigay.
“Shaki kuma jiro in Ronaldo uu soo jiitay dadka adduunka oo dhan, waa laga jecelyahay Portugal” ayuu sii raaciyay.
Gool FM