David Trezeguet oo xulkaan u saadaaliyay ku guulaysiga koobka adduunka

(Bogota) 04 Abriil 2018 Halyeeyga reer France ee David Trezeguet ayaa sheegay magaca xulka uu si wayn ugu saadaalinayo ku guulaysiga koobka adduunka.

David Trezeguet ayaa qayb ka ah ololaha koobka adduunka loogu soo wareejinayo adduunka oo dhan, wuxuuna sheegay in xulka Argentina uu ku guulaysan karo koobka adduunka.

Wuxuuna u sababeeyay in Argentina ay haysato laacibka ugu fiican adduunka ee Messi iyo ciyaartoy badan oo wax ku ool ah.

Image result for messi world cup 2014

Xili koobka adduunka lagu soo bandhigayay dalka Colombia ayaa la waydiiyay David Trezeguet dalka uu u saadaalinayo ku guulaysiga koobka, wuxuuna ku jawaabay:

“Argentina ayaa ugu cad cad hanashada koobka adduunka waayo waa xul haysta laacibka ugu fiican adduunka, sidoo kale waxay haystaan ciyaartoy cajiib ah oo wax badan u qaban kara”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close