ACM VS INT 0-0….Derby Milano oo isku mari waayay & Soomaali ka qayb gashay + Sawirro

(Milano) 04 Abriil 2018 – Kooxaha AC Milan vs Inter Milan ayaa ciyaar haatan dhamaatay 0-0 dhibcihii ku qaybsaday, kulan horay u baaqday bil kahor, kaasoo uu Mauro Icardi khasaariyay laba fursadood shabaqa oo qayb ahaan maran, iyadoo isaga iyo Patrick Cutrone min hal gool laga diidey.

Kooxda Nerazzurri oo haatan ku jirta kaalinta 4-aad ee ugu dambaysa boosaska CL ayaa kulankii 4-aad oo xiriir ah shabaqeeda ilaashatay, halka Rossoneri aysan weli kasoo waaqsanin guuldarradii qaraarayd ee Sabtigii ka gaartey kooxda Juventus.

Kooxda Milan ayaa haatan u muuqata mid ka yara fog kaalinta 4-aad oo ay haatan u jirto 8 dhibcood, iyadoo todobaad dhamaadka la ballansan kooxda Sassuolo.

Waxaa ciyaartaasi daawanayay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka mid ah bahda isboortiga xiiseeysa sida Ismaaciil Diyeeshe oo ah taageere wayn oo Inter ah, kana mid ah dadka gacanta ka gaysta horumarinta isboortiga Soomaaliyeed iyo Jibriil Maxamed oo Milan taageera oo ay u suurtagashay inay caawa ciyaartaasi daawadaan.

Milan: G Donnarumma; Calabria, Bonucci, Romagnoli, Rodriguez; Kessie, Montolivo (Locatelli 69), Bonaventura (Borini 80); Suso, Cutrone (Kalinic 69), Calhanoglu
Inter: Handanovic; Cancelo, Miranda, Skriniar, D’Ambrosio; Gagliardini, Brozovic; Candreva (Eder 77), Rafinha (Borja Valero 71), Perisic; Icardi
Gar: Di Bello
Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close