”Waxaa jirta hal arrin oo aan Inter ku jeclahay” – Luciano Moggi oo jeesteeyay!

(Torino) 03 Abriil 2018 – Agaasimihii hore ee Isboortiga kooxda Juventus jaalle Luciano Moggi ayaa sheegay inay jirto sida uu yiri sabab uu u ”jecel yahay” kooxda Inter.

Moggi ayaa hadlayay kaddib markii la xukmiyey in madaxwaynihii hore ee Inter ee geeriyoodey Giacinto Facchetti uu ‘garsoorayaasha qalqaalsan jiey’ kahor fadeexaddii Calciopoli..

“Calciopoli? Waxay ahayd tillaabo muhim ahayd oo ay qaadday kubaddu, balse way u xumayd dadkii la ciqaabay iyagoon waxba gaysanin sida annaga,” ayuu u sheegay warsidaha Tuttosport.

“Inter miyaa ah kooxda nala xafiiltanta? Xafiilltan waa koox kula tartanta. Inter ma jecli, balse 20 dhibcood ayay Juventus ka hooseeyaan.” ayuu yiri Moggi.

“Sidaa darteed, Inter waan jeclahay, maxaa yeelay weligood nalama tartamaan.” ayuu ku dooday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close