“Waan garanaynaa sida loo garaaco Manchester City” – Jurgen Klopp

(Liverpool) 03 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kulanka kooxdiisu ay habeen dambe marti qaadi doonto Manchester City.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in dhawr bil ka hor ay ka adkaadeen Man City isla markaana haatan ay garanayaan sidii ay u garaaci lahaayeen.

Wuxuu intaa ku daray in City ay tahay koox fiican oo isku aadan balse wuxuu sii raaciyay in wiilashiisu aysan ka yaraysan isla markaana ay haystaan fursad ay uga adkaan karaan.

“Dhawr bil ka hor ayaan ka adkaanay, horay waan u ogayn inaan ka adkaan karno iyaga, haatana waan garanaynaa sidii aan u garaaci lahayn” ayuu yiri tababare Klopp.

“Xirfadeena ayaa sababi karta inay wajahaan dhibaato, fursadaas mid lamid ah ayeey iyaguna haystaan, taas ayaana ka dhigaysa ciyaarta mid aad loogu raaxaysto”.

“Manchester City waa koox cajiib ah, wayna u qalmaan ku guulaysiga Premier League”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close