Ronaldo oo rageeyay rikoodho cusubna dhigay + Sawirro

(Torino) 03 Abriil 2018 – Jookarka kooxda Real Madrid ee CR7 ayaa sidii lagu yaqaanney xiddig wayn wuxuu caawa wacdaro ka dhigay lugta hore ee rubuc dhamaadka CL oo ay kooxdiisu 3-0 ku ruquustay kooxda Juve oo raaskeeda joogtey.

Yeelkeede, Ronaldo ayaa sidoo kale rikoodho cusub sameeyay, tusaale ahaan, Ronaldo ayaa dhaliyay goolkii 38-aad wuxuuna sidaa ku noqday laacibka ugu goolasha badan dhamaanba 5-ta horyaal ee ugu waawayn Yurub.

Dhanka kale, wuxuu gool dhaliyay kulankiisii 10-aad oo xiriir ah, wuxuuna sidaa Ronaldo ku noqday laacibkii ugu horreeyay ee abid sidaa ka sameeyay Koobka Horyaallada Yurub ee CL oo uu haatan 15 ku hoggaaminayo.

Wuxuu dhaliyay 22 gool oo quater final ah kaliya. Juventus oo dhan taatiikhdeeda ayaa 21 ka dhalisay wareeggan quater finalka ama 8-da koox.

Wuxuu caawa dhaliyay goolkiisii ugu dhaqsiyaha badnaa waayihiisa Champions League (2 daqiiqo iyo 47 ilbiriqsi).


Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close