DAAWO: Taageerayaasha Juventus oo Ronaldo u sameeyay arrin lama filaan ah + Sawirro

(Torino) 03 Abriil 2018 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey gool labaaleey ah oo aad u qurux badan, kulanka Juventus vs Real Madrid oo ay kooxda dambe hal cag u taallo nus-dhamaadka CL iyagoo 3-0 ku hoggaaminaya ciyaarta oo uu  Cristiano Ronaldo gool dhigay labana dhaliyay.

Marka laga soo tago inuu Ronie caawa ahaa ninka ciyaarta misna waxaa dhacday arrin kale oo cajiib ah, balse marar dhif ah ka dhacda garoomada kubadda cagta.

Markii uu Ronaldo dhaliyay goolka quruxda badan oo ahaa midka 2-aad ayay sacab ula wada istaageen taageerayaasha garoonka oo u badnaa kuwa kooxda uu ka dhaliyay ee Juventus, taasoo la arkayay isla Ronaldo oo qaddarintaa uga mahad celinaya taageerayaasha Juve oo muujiyay bisayl wayn iyo qiimayn ay u hayaan kubadda cagta.


Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close