CL: Real oo lug dhigatay nus-dhamaadka & Ronaldo oo jeer Juve dhulka ku jiidey + Sawirro

(Torino) 03 Abriil 2018 Ronaldo iyo raggiisa iyo kooxdooda Real Madrid ayaa u muuqda kuwo cagta midig dhigtay nus-dhamaadka CL kaddib markii ay caawa xaafaddeeda ugu cudud sheegteen camaaliqada reer Talyaani ee Juventus oo ay 3-0 direen.

Goolasha muhimka ah waxaa Real Madrid ugu qaaraamay jookarkeeda CR7 oo kala dhaliyay daqiiqadihii 3-aad iyo middii 64-aad, waxaa se cajiib ahaa oo caawa caalamka ka yaabiyay goolka 2-aad oo ahaa labaaleey qurux badan, halka goolka kale ee 3-aad uu dhaliyay laacibka Marcelo kaa laftiisana waxaa sallaxay isla Ronie.

Kooxda Juve waxaa uga sii daray laacibka Paolo Dybala oo daqiiqaddii 66-aad qaatay rooso muran la gelin karo, taasoo kusoo beegantay in yar uun kaddib markii goolka 2-aad laga dhaliyay.

Taariikhiyan, waa guuldarradii ugu waynayd ee abid Juve garoonkan Allianz kusoo gaarta tan iyo markii ay halkaa usoo wareegtey sanaddii 2011, waxaa dheer, 199 jeer oo hore haddii ay koox bannaanka kusoo badiso 3-0 iyada unbaa wareegga xiga usoo gudbaysay koobka CL.


Ciyaarta kale, waxaa natiijo wanaagsan lugta hore ka keensatay kooxda Bayern Munich oo Sevilla 2-1 kaga badisay gurigeeda, iyadoo lug celiska loogu imanayo xaafaddeeda Bavaria.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close