Allegri iyo Chiellini oo kal iyo laab u ammaanay Ronaldo ka hor kulankooda caawa

(Europe) 03 Abriil 2018. Juventus ayaa caawa mininkeeda ku marti qaadeysa Real Madrid lugta hore ee wareega sideed dhammaadka Champions League.

Daafaca kooxda reer Talyaani Giorgio Chiellini iyo tababare Massimiliano Allegri ayaa ammaan ugu qubeeyay xiddiga Los Blancos Cristiano Ronaldo ka hor kulankooda.

“Waa inaan u hambalyeeyaa Ronaldo isagoo ah laacib 33-jir ah ayaa u badelayaa qaabka uu u ciyaaro, waa wax aan innaba caadi ahay,” Allgeri ayaa sidaa ka yiri CR7.

Halka uu Chiellini ka yiri:

“Dhabtii waa mid Muhiim ah isla markaana sameyn kara farqi.

“Dhammaan tix galin wayn ayaan u heynaa Real Madrid, Xaqiiqdii Sergio Ramos waa daafaca ugu fiican adduunka waqti xaadirkan halka Ronaldo uu yahay No-9 cajiib ah.

“Ronaldo had iyo jeer wuu ka dhalinayaa koox kasta uu ka horyimaado, Real Madrid isaga oo kaliya ma ahan balse sanadihii la soo dhaafay kor ayuu u qaaday wuxuuna sameeyay farqiga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close