AC MILAN VS INTER MILAN: Gattuso oo ka hadlay sida uu u arko Spalletti & safafka ay habeen dambe kusoo geli karaan labada koox!

(Milano) 03 Abriil 2018 – Macallinka AC Milan ee Gennaro Gattuso ayaa sheegay inay “sharaf u tahay” inuu wajoho macallinka kooxda Inter Milan ee Luciano Spalletti, isagoo difaacay Giacomo Bonaventura oo uu sheegay inuu ka arko dhan aysan dadku uga jeedin.

Kooxda Rossoneri ayaa habeen dambe fiidkii wajahaysa kooxda Inter kulankii baaqday ee Derby della Madonnina, kaasoo ay labada kooxiba ugaarsanayaan boos Champions League ah, balse wuxuu macallin Gattuso meesha ka saaray wararka isbarbardhigaya isaga iyo Spalletti.

“Isbarbardhig ma jiro,” ayuu Gattuso ka sheegay jirka jaraa’id ee caadiyan la qabto ciyaarta kahor.

“Waa macallin wayn oo caalim ku ah kubadda cagta – waa 10-0. Waa ciyaar u dhaxaysa Milan-Inter, ee ma aha aniga iyo isaga. Waa ii sharaf inaan wajoho.” ayuu daba dhigay.

HOOS KA EEG SHAXAHA AY HABEEN DAMBE KUSOO GELI KARAAN!

MILAN (4-3-3): Donnarumma; Calabria, Bonucci, Romagnoli, Rodriguez; Kessié, Montolivo, Bonaventura; Suso, Cutrone, Calhanoglu. Macallin: Gattuso.

INTER (4-2-3-1): Handanovic; Cancelo, Skriniar, Miranda, D’Ambrosio; Gagliardini, Brozovic; Candreva, Rafinha, Perisic; Icardi. Macallin: Spalletti.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close