”Aan Roma markale uga rayno 6-1” – Jordi Alba

(Barcelona) 03 Abriil 2018 – Dadabka Barcelona ee Jordi Alba ayaa rajeeynaya inay markale jiidi karaan kooxda Roma isagoo si jees jees ah u yiri “aan u biisno 6-1-kii” waloow uu qiray in ay Roma kasoo roonaatay sidii hore, isagoo ula jeeda kooxda Giallorossi ayaa booqashadeedii ugu dambaysay ee Camp Nou jug wayn kala kulantay kooxda Barca.
“Roma waa koox adag, waa koox isku xiran oo dhib na gaarsiiin karta. Waxaan se rajaynaynaa inaan u biisno 6-1-kii, waloow ay sidii hore ka fiican yihiin.” ayuu yiri Alba.
Lionel Messi ayaa lagu wadaa inuu berri soo laabto, halka Roma uu ka maqan yahay Cengiz Under.
“Marka Messi jooga si fiican baan u ciyaarnaa, sidaa darteed fursadeenna guuleed way korortaa, waayo joogistiisu waxay na gelisaa kalsooni.” ayuu raaciyay.

Gool FM