Yerry Mina oo si gaar ah u la kulmay tababare Ernesto Valverde (Ogoow wixii ay ka wada hadleen)

(Barcelona) 02 Abriil 2018 Daafaca ku cusub Barcelona ee Yerry Mina ayaa si gaar ah u la kulmay tababaraha kooxdiisa ee Ernesto Valverde.

Yerry Mina ayaa cabasho u gudbiyay tababarihiisa maadaama aan si joogto ah loo ciyaarsiin tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray suuqii Janaayo.

Image result for Yerry Mina Valverde

Sida ay baahisay shabakada Futbol Pasion, Yerry Mina ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Ernesto Valverde kaas oo uu ku waydiiyay waxa uu ka damacsan yahay mustaqbalkiisa.

Ernesto Valverde ayaa u sheegay daafaca reer Colombia inuu muhiim u yahay Barcelona laakiin la sugayo inta uu sifiican ula qabsanayo qaab ciyaareedka kooxda.

Tan iyo markii uu ku soo biiray Barcelona, Yerry Mina ayaa ciyaaray kaliya 3-kulan, wuxuuna kooxda joogaa ku dhawaad 4-bilood, taas ayaana u cuntami waysay 23 jirkaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close