Ronaldo oo doonaya in Keydka lagu cabo Bale kulanka habeen dambe ee Juventus…(Ogoow Sababta)

(Europe) 02 Abriil 2018. Cristiano Ronaldo ayaa la warinayaa inuu doonayo in Keydka la dhigi Gareth Bale kulanka habeen dambe ee Juventus.

Real Madrid ayaa u safartay Torino si ay lugta hore ee wareega sideed dhammaadka Champions League ula soo ciyaarto camaaliqada Talyaaniga.

Koobka dhaga waynaha waa rajada ugu dambeysda Los Blancos ee kal ciyaareedkan maadaama ay ka hartay Capa del Rey isla markaana aysan suuro gal ahayn inay qaado La Liga.

Waxaa jira su’aalo badan oo ku hareereysan safka uu Zidane la soo shir tagi doono kulanka habeen dambe ee Juventus.

Bale ayaa is muujiyay kulankii sabtida ee Las Palmas isagoona dhaliyay labo gool.

Balse, sida uu sheegayo Don Balon, Ronaldo ayaa doonaya in keydka la dhigo wiilka reer Wales kulanka habeen dambe ka dhici doona Turino.

Warsidaha reer Spain ayaa sheeganaya in Ronaldo uu aaminsan yahay in Bale uusan Maskax ahaan u diayarsaneyn kulankan wayn kaddib dhaawacyo is daba joog ah iyo keydka oo lagu hayay baryahaan.

Zidane oo safkiisa ka hadlay ayaa qudhiisa diiday inuu xaqiijiyo inuu ku soo bilaabi doono Bale isagoona sheegay in la arki doono waxa dhaca.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu doonayo in safka hore laga reebo Isco kaa uu aaminsan yahay inuu ciyaarta aad u qaboojinayo kubbadana ku dhagan yahay isla markaana xawaare la doonayo in lagu dilo kooxda reer Talyaani.

Kabtanka Portugal ayaa u codeeyay oo doonaya in la ciyaarsiiyo habeen dambe da’yarka reer Spain ee Marco Asensio sida uu warinayo Don Balon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close