Maxamed Saalax oo u sheegay Real Madrid inuu ku soo biirayo Xagaagaa haddii ay Balan qaadaan LABADAN QODOB!!!

(Europe) 02 Maarso 2018. Maxamed Saalax ayaa soo qabtay indhaha Real Madrid kaddib wacdaraha uu kal ciyaareedkan ka dhigayo gegada Anfield ee kooxda Liverpool.

Wiilka reer Masar ayaa goolashiisa kal ciyaareedka gaarsiiyay 37-gool kaddib goolkii soo daahay uu guusha ugu dhiibay kooxdiisa kulankii sabtida ee Crystal Palace.

Reds ayaa lumin karta Maxamed Saalax dhammaadka kal ciayareedkan maadaama ay Real Madrid damacsan tahay isbadelo xoogan.

Express ayaa aaminsan in Los Blancos ay hoos u dhigtay xiisaheeda Maxamed iyadoona doorbideysa xiddiga Chelsea Eden Hazard iyo laacibka PSG Neymar.

Laakiin warsidaha Don Balon ayaa warinaya in Saalax uu doonayo inuu u soo dhaqaaqo Bernabeu, haddii ay fulinayaan labo Shardi.

Waxaa la sheegayaa inuu Real Madrid ku wargaliyay inuu u soo dhaqaaqi doono oo kaliya haddii ay u damaanad qaadayaan booskiisa safka koowaad.

25-jirka ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ka dalbay camaaliqada reer Spain in aad sare loogu qaado mushaarkiisa.

Maxamed Saalax ayaa la warinayaa inuu aqbalayo  inuu ka mushaar yaraado Ronaldo oo qura isla markaana uu noqdo kan labaad ee ugu mushaarka badan kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close