Lionel Messi oo u Careysan laacib kala tirsan Barcelona isagoona uga digay inuu…..

(Catalonia) 02 Abriil 2018. Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa la warinayaa inuu aad uga careysan yahay Daafaca kooxda ee Samuel Umtiti.

Sida uu warinayo Diario Gol, Messi ayaa aaminsan in Umtiti uu diirada saarayo wararka xanta suuqa ee ku aadan Mustaqbalkiisa halkii uu diiradda saari lahaa Bandhigiisa Garoonka.

Barcelona ayaa qarka u fuushay in laga jabiyo rikoodhkeeda guul darro la’aanta ee La Liga kulankii dhawaa ay la ciyaarta Sevilla.

Balse Messi oo keydka ka soo kacay ayaa u baxay kooxdiisa oo 2-0 lagu hogaaminayo, dhammaadka ciyaarta ayuu goolka bar baraha u dhaliyay ka hor goolkii Suarez.

Diario Gol ayaa sheegay in uu Messi uga digay Saaxiibadiisa kooxda in waqtigani uusan ahayn waqtigii ay meelo kale ku mashquuli lahaayeen ama ay xooga saari lahaayeen xilli ay kooxda ku tartameyso saddex koob oo waa wayn isla markaana uu kal ciyaareedka gabo gabo ku socdo.

Barcelona News: Lionel Messi ‘angry’ with Manchester United target Samuel Umtiti

Waxaa intaa lagu darayaa in kabtanka Argentina uu aaminsan yahay in daafaca reer France gaar ahaan uu bandhigiisu liitay usbuucyadii dhawaa.

Umtiti ayaa la sheegayaa inuu ka careysan yahay maamulka sare ee kooxda arrinka ku aadan heshiis kordhintiisa.

Barca ayaa ka cago jiideysa inay bixiso lacagaha uu dalbanayo Daafaca reer France, Manchester United ayaana lala xiriirinayaa taa oo ula diyaar ah waxa uu doonayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close