Jeenyo oo ku Jeesteesay Betroolka kaddib Nus Darsin Goolal ah ay u dhiibtay

(Muqdisho) 02 Abriil 2018. Jeenyo ayaa galabta si xun u jajabsatay Betroolka oo ay uga adkaatay 6-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

Balse Jeenyo ayaa kordhisay goolasheeda qeybta labaad iyadoona la timid afar kale.

Laacibkoodii hore ee Niinje ee dhawaan ka soo tagay Elman ayaa u dhaliyay labo gool.

Rugcdaaga Hoomey ayaa dhaliyay gool, halka min Gool ay iyana dhaliyeen Shakuur Ala, Xamza iyo Cali.

Guusha ayaa Jeenyo uga dhigan inay leedahay iminka 13-dhibcood iyadoo ay kaalinta shanaad kula jirto Elman, halka Betroolka ay leedahay 11 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close