Inuu wadahadal kula jiro Man United iyo Inuu ka tagayo Barcelona (Samuel Umtiti oo ugu danbayntii ka hadlay mustaqbalkiisa)

(Barcelona) 02 Abriil 2018 Daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa ugu danbayntii afka furtay, wuxuuna ka hadlay warar badan oo la faafiyay maalmihii u danbeeyay.

Samuel Umtiti ayaa la sheegay inuu wadahadal kula jiro Manchester United isla markaana uu qorshaynayo inuu ka tago kooxdiisa Barcelona.

Laakiin laacibka ayaa beeniyay wadahadalka United wuxuuna sheegay inuu dalab uga imaanayo dhanka kooxda tababare Mourinho balse uusan dan iyo heelo ka lahayn dalabkooda.

Image result for Samuel Umtiti

“Ma jiro wadahadal noo dhexeeya aniga iyo Man United, waa suurogal in United ay xiisaynayso saxiixayga laakiin aniga dhankeyga ma jiro wadahadal aan la galay” ayuu u sheegay Canal+.

“Xaqiiqdii waxaa jira kooxo badan oo doonaya saxiixayga, laakiin waxaa jira yool badan oo aan doonayo inaan la gaaro Barcelona, haatan arimahaas kuma fikirayo, waan ku faraxsanahay joogitaankeyga Barca”.

“Qiimaha lagu burburin karo qandaraaskeyga (60 milyan oo euro) ma ahan wax wayn, dhamaan way ogyihiin taas, waa wax i quseeya laakiin aan muhiim ii ahayn, muhiimadaydu waa inaan ciyaaro oo aan raaxaysto, inta kale iyagaa iska imaan doona”.

Samuel Umtiti ayaa xaqiijiyay in isaga iyo Barcelona aysan wali kawada hadlin arinta heshiis kordhintiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close