Harry Kane oo ka hadlay Maxamed Saalax….(Muxuu ka yiri???)

(England) 02 Abriil 2018. Harry Kane ayaa shalay dib ugu soo laabtay garoomada ciyaartii ay Tottenham ka adkaatay Chelsea kaddib dhaawac uu ku maqnaa.

Maxamed Saalax ayaa ka faa’iideystay maqnaanshaha dhaliyaha reer England oo ay ku tartamayeen gool dhalinta isagoona gaaray 29-gool halka Kane uu soo cago cageynayo 24-gool.

Kane oo ka hadlaya Saalax kaddib kulankii shalay ayaa yiri:

“Saalax si cajiib ah ayuu sameeyay, waa ciyaaryahan aad iyo aad u fiican. Haa waa tartan, sidoo kale ayaan tartan u galay sanadkii la soo dhaafay.

Mohamed Salah

“Sida muuqata xoogaa wuu iga horreeyaa waana arki doonaa waxa dhaca, ma xakameyn karo waxa uu sameynayo, sidaa darteed waa inaan hubiyaa inaan si fiican isugu diyaariyay kulamada aana diyaar u noqdo.

“Waa inaan diirada saaraa ciyaartayda iyo kooxdeyda waana arki doonaa waxa dhaca dhammaadka kal ciyaareedka.

“Aniga ahaan, waa inaan dhanka fiican ka fiiriyaa. Waan ku faraxsanahay inaan dib u soo laabto aana guul ku gaaro Stamford Bridge, waxaana rajeynayaa inaan yeesho dhammaad xoogan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close