“Hannaanka VAR wuu DILAYAA Kubbada Cagta”.- Falcao

(France) 02 Abriil 2019. Radamel Falcao ayaa dhaleeceeyay Hannaanka VAR ee Muuqaalka caawiya garsooraha kaddib Finalkii Coupe de la Ligue oo ay ka qaaday naadiga PSG kaddib markii ay saddex gool u dhiibtay Monaco.

PSG ayaa loo dhigay Rigoore kaddib muuqaalka VAR oo la eegay halka Falcao isna gool laga diiday kaddib Hannaanka oo sheegay inuu offside yahay.

Laacibkii hore ee Atletico Madrid, Man United iyo Chelsea ayaa qaba in VAR ay dili karto kubbada cagta.

The VAR system was twice required to make key decisions as PSG beat Monaco 3-0

“Waa niyad jab, labada jeerba VAR waxay u adeegtay inay caawiso PSG,” Falcao ayaa sidaa u sheegay saxaafadda.

“Mararka qaar, kaddib markii aan eegay sawirrada, wax cad ma jiraan waxyaabaha ceynkan oo kale ahna waxay dili kartaa kubbada cagta.

“Dib u eegista Rigoorada waxaa ku lumay afar daqiiqo, afar daqiiqo kalena waxay ku luntay doodii goolkeyga. Haddaba ii sheega maxay tahay sababta uu garsooraha labo daqiiqo oo qura ugu daray ciayarta.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close