Chiellini oo magacaabay daafaca ugu fiican adduunka

(Torino) 02 Abriil 2018 Daafaca kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa magacaabay daafaca ugu fiican adduunka waqti xaadirkaan.

Giorgio Chiellini ayaa si wayn u amaanay daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos kaas oo uu u aqoonsaday inuu yahay kan ugu wanaagsan adduunka waqtigaan.

Image result for Chiellini Ramos

33 jirka reer talyaani ayaa sheegay inuusan lahayn xirfad difaaceedka kabtanka Real Madrid oo kale, wuxuuna yiri:

“Marwalba waa inaad wax ka barataa qofka kaa fiican kaas oo aadan gali karin booskiisa, ma lihi tayada iyo xirfad difaaceedka Ramos oo kale, waa difaaca dhexe kan ugu fiican adduunka”.

“Sifiican ayuu u garanayaa sidii uu u ciyaari lahaa kulamadaan oo kale” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close