Chelsea iyo Real Madrid oo samaynaya heshiis is dhaafsi ah (Bale iyo lacag oo lagu doonayo labo xiddig)

(London) 02 Abriil 2018 Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa samaynaya heshiis is dhaafsi ah marka uu dhamaado xiliciyaareed kaan.

Sida ay baahisay Don Balon, Florentino Perez ayaa u soo bandhigay milkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich heshiis is dhaafsi ah.

Madaxwaynaha Real Madrid ayaa diyaar u ah in Blues uu ka qaato Eden Hazard iyo Alvaro Morata si uu u siiyo Gareth Bale iyo waliba lacag.

Real Madrid ayaa bixinaysa 150 milyan oo euro oo lagu daray Gareth Bale si loogu qanciyo Chelsea inay iska fasaxdo Hazard iyo Morata.

Lama oga in Chelsea ay aqbalayso dalabkaas laakiin Hazard ayaa u muuqda mid doonaya inuu ka tago kooxdiisa halka Morata uu la qabsan la’yahay kooxda tan iyo markii uu ku soo biiray suuqii xaggaaga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close