Yaa dhex dhexaadin doona kulanka Juventus Vs Real Madrid iyo Sevilla Vs Bayern Muncih?

(Madrid)  01 Abriil 2018. Garsooraha reer Turki Cunet Cakir, ayaa dhex dhexaadin doona kulanka Champions League ee u dhexeyn doona Juventus Vs Real Madrid.

Dhex dhexaadiyaha reer Italy Daniele Orsato waxa uu isna garsoore ka noqon doonaa kulanka Sevilla Vs Bayern Munich.

Labada waa lugta kowaad ee wareegga rubuc dhammaadka Champions League.

Cakir waxa uu ka mid yahay garsooreyaasha sar sare waxa uuna sidaas ahaa ilaa iyo 2007 halka uu sidoo kale ka qeyb qaadan doono koobka aduunka.

Kulamadii hore ee uu Real Madrid ciyaareheeda dhex dhexaadiyo afar wey badisay, laba waa laga badiyey halka laba kale ay bar baro gashay.

Juvetus mid wey badisay midna waa laga badiyey kulamadii ay dheeshay ee uu garsoorka ka ahaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close