Paul Pogba oo markii ugu horreeysay ka hadlay xurgufka isaga iyo Mourinho ka dhexeysa…..Muxuu ka yiri?

(Manchester) 01 Abriil 2018. Paul Pogba waxa uu ku adkeystay in uusan wax dhibaata ah ku qabin Jose Mourinho marka laga yimaado in uu dhawaan kaydka dhigay dhawr mar.

Laacibka waxa uu abuuray xan la xiriirineysa in uu ka tagayo Red Devils isaga oo £89 million uun ugu soo biiray laba xagaa kahor.

Waxaa su’aalo badan laga keenay booska uu Pogba ku wacan yahay xilli ciyaareedkan xilli ay tan badan qabaan in United aysan si buuxda uga faa’ideysan tayadiisa.

Waxa ay horseeday in marar badan laga saaro safka kowaad iyada oo arintaas ay dhalisay warar ah in ay xurgufi ka dhexeyso isaga iyo Mourinho laakiin Poga waxa uu sheegay in uusan waligiis su’aal ka keeni doonin xulashooyinkiisa.

Pogba oo la hadlaya Telefoor waxa uu yiri: “Waa run in kaydka la igi dhigo waligey iguma dhicin, laakiin wey I xoojin kartaa. Waa in ay waqtiyadan oo kale ku soo maraan si aad quwad u yeelato.

“Wax dhib ah kuma qabo Mourinho. Aniga ma aha qofka kooxda xula. Weydii tababaraha haddii aadan aqoon sababta aan kulamo yar u ciyaaro. Waan qadariyaa xulashooyinkiisa.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close