Messi oo si wayn uga horyimid in badalka Iniesta laga keeno banaanka (Ogoow laacibka uu u arko badalka ku haboon ee kabtanka Barcelona)

(Barcelona) 01 April 2018 Lionel Messi ayaa cod xoogan ku diiday in Barcelona ay banaanka ka keento laacibkii badali lahaa kabtan Andres Iniesta.

Sida muuqata, Andres Iniesta ayaa ku dhawaaqi doona inuu ka tagayo Barcelona dhamaadka xiliciyaareed kaan, kooxda ayaana durba suuqa u gashay badalkiisa.

Sida ay baahisay Don Balon, Barcelona ayaa calaamadaysatay kubadd abuuraha kooxda Tottenham ee Christian Eriksen si ay ugu buuxiso booska Iniesta.

Laakiin Messi ayaa codka Veto-ga ku diiday in badalka Iniesta laga keeno banaanka kooxda, wuxuuna sheegay in Philippe Coutinho uu ka soo bixi karo booskaas.

Messi ayaa sidoo kale rumaysan da’yarka Barcelona ee Carles Alena inuu ka soo bixi karo boos kaas isla markaana uu noqon karo badalka kabtan Iniesta.

Leo ayaa rumaysan in Eriksen uu u qaab ciyaareed egyahay Ivan Rakitic sidaas darteed wuxuu u arkaa inuusan noqon karin badalka kabtanka Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close