Maxay ahayd sababtii uusan Cech u ciyaarin kulankii galabta?

(London) 01 Abriil 2018. Tababaraha Arsenal ayaa sheegay sababtii uu Petr Cech u safin ciyaartii galabta.

David Ospina oo kaabe u ah ayaa ku soo bilwoday laabda qori dhexdooda taas oo su’alo badan dhalisay.

Hase ahaatee, Colombian-ka ayaa ilaashaday shabaqa.

Arsene Wenger oo ciyaarta kaddib wareysi bixiyey aya sharraxay sababtii uusan u safin Cech.

“Waxaan xushaa koox taas oo haysata laba fursad. Kow, in ay badiso kulanka, laba, in qaar ka mida ciyaaryahanada dheelay kulamadii qaramada in ay soo kabasho helaan,” ayuu yiri.

“Callaamado daal ayey muujiyeen tan iyo markii ay soo laabteen.

“Mar walba waa khamaar marka aad sidaas yeesho laakiin marka aan raadineyno tayo ma jirto mar marsiiyo.”

Arsenal ugu dambeyn waxa uu ku badisay 2-0 kulankii ay Emirates kula ciyaartay Stoke.

Labada kamida goolasha , mid rogoore waxaa ansixiyey Aubameyang.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close