Griezmann oo heshiis is afgarad la gaaray kooxdan oo uu £88million ugu biiri doono…Waa tee…..?

(Catalonia) 01 Abriil 2018.ANTOINE GRIEZMANN ayaa lagu soo warramayaa in uu diiday fursadda ah ku biiridda Manchester United isaga oo aqbalay in uu £88million ugu wareego Barcelona.

Laacibka reer France waxa uu ahaa bartilmaameedka kowaad ee United xagaagii hore balse mid koox ku biiray ayuu u egyahay kahor inta uusan furmin suuqa xagaaga soo socda.

Hase ahaatee, xilligaas Atletico Madrid waxaa saarnaa xanibaad suuqa kala iibsiga ah oo ka dhigneyd haddii ay iibin lahaayeen in aysan bedelkiisa heleen.

Taas owgeed ayuu Griezmann u doortay in uu ku nagaado kooxdiisa halka United ay soo iibsatay Romelu Lukaku.

Xeyn-daabka lagu bur burin karo qandaraaska France-siiska waxa uu u soo dhacayaa £88m xagaaga soo socda walina United waxa ay muujineysaa sida ay uga go’an tahay saxiixiisa.

Laakiin warbixinno la helayo ayaa ku warramaya in Griezmann ay Barcelona saxiixiisa ku dhawdahay.

The Sun waxa ay qortay in 27 jirka heshiis is afgarad la gaaray kooxda ku dheesha Camp Nou.

Warar kale ayaa tibaaxaya in Jose Mourinho wali naawilayo rejeda ah in Griezmann ay soo jiidan doonto rabitaankiisa ah ka ciyaaridda Premier League.

Laakiin laacibka reer France waxaa haatan lagu wadaa in uu ku biro duullaaanka loogu cabsida badan yahay kubadda cagta dunida Messi, Luis Suarez iyo  Philippe Coutinho.

Weeraryahanadaas 76 gool ayey ol’olehan dhaliyeen xilli Lioenel Messi iyo Luis Suarez ay hoggaaminayaan gool dhalinta 26 iyo 22.

Griezmann waxa uu ku jiraa kaalinta afraad isaga oo ka dambeeya Cristiano Ronaldo –sideed caawin iyo 17 gool ayuu haystaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close