Gianluigi Buffon oo rumaysan in Real Madrid ay tahay kooxda ugu cad cad u soo bixida Semi Final-ka Champions League

(Torino) 01 April 2018 Goolhayaha kooxda Juventus ee Gianluigi Buffon ayaa sheegay in Real Madrid ay tahay kooxda ugu cad cad u soo bixida Semi Final-ka koobka horyaalada yurub.

Juventus oo xalay 3-1 uga adkaatay AC.Milan isla markaana 4-dhibic ku qabatay hogaanka horyaalka talyaaniga ayaa marti qaadi doonta talaadada kooxda Real Madrid.

Gianluigi Buffon ayaa sheegay in kooxdiisu ay u dagaalamayso nasiibkeeda balse ay ogyihiin inaysan ahayn iyagu kooxda ugu cad cad u soo bixida Semi Final-ka Champions League.

“Waan ognahay in kulanka Real Madrid uu yahay mid aad u adag, ma nihin kooxda ugu cad cad u soo bixida Semi Final-ka Champions League, laakiin waxaan doonaynaa inaan u dagaalano nasiibkeena” ayuu yiri goolhaye Buffon ka hor kulanka Real Madrid.

“Waa kulan raaxo leh oo aan ka hortagayno koox wayn oo guul naga gaartay Final-ka sanadkii hore, waan arki doonaa haddii aan badali karno saadaasha muuqata”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close