Barcelona oo ku rajo wayn in Sergio Busquets uu taam u noqdo kulanka Roma

(Barcelona) 01 April 2018 Barcelona ayaa leh rajo wayn ka hor kulanka kooxdu ay soo dhawaynayso kooxda reer talyaani ee Roma.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay ku rajo wayn tahay in Sergio Busquets uu taam u noqdo kulanka Roma.

Laacibka ayaa ku dhaawacmay kulankii lugta labaad ee Barcelona ay guusha ka gaartay kooxda Chelsea, waxaana la filayaa inuu barri oo isniin ah uu dib ugu soo laabto tababarka kooxda.

Sergio Busquets ayaa la qorsheeyay inuu tababarka buuxa ee kooxdu ay samaynayso talaadada uu qayb ka noqdo si uu diyaar ugu noqdo kulanka arbacada.

Haddii dhaqaatiirta Barcelona ay u ogolaadaan Sergio Busquets inuu ciyaaro kulanka Roma, kaliya hal laacib oo Barca ah ayaa ka maqnaanaya kulankaas waana Lucas Digne kaas oo aan lahayn saamayn wayn.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close