WAR CUSUB: Maxamed Saalax oo qal qal galiyay Doorashada Madaxtinimada dalkiisa Masar….(Maxaa dhacay???)

(Egypt) 31 Maarso 2018. Masaarida ayaa Maxamed Saalax ugu codeeyay inuu noqdo Madaxwaynaha dalkooda doorashadii dhaweyd.

In ka badan hal Milyan ayaa codadkoodii Doorashada Madaxtinimada Masar Khasaariyay iyagoona cadka u qoray Maxamed Saalax oo aan howshanba shaqo ku laheyn.

Waxay sheekada iminka u muuqataa in Masaarida ay xiddigooda la rabaan inuu sidoo kale Siyaasada u soo weecdo ciyaarihiisa kaddib.

Dad badan oo codkooda ka dhiibanayay doorashada ayaa hareer maray musharixiiintii iyagoona codadkooda ku khasaariyay xiddiga Liverpool.

 This image appears to show one of the spoiled ballot papers

Abdul Fattah al-Sisi ayaa dib loo doortay afarta sano ee soo socota isagoona helay 92 Boqolkiiba halka musharixii labaad Moussa Mustafa Moussa uu helay Boqolkiiba Saddex oo qura.

Codadkii khasaaray oo ay ku jireen kuwii lagu beelay Maxamed Saalax oo aanba doorashada ku jirin ayaa noqday Boqolkiiba Shan.

Maxamed Saalax ayaa Galabta markale shabaq tagay isagoona goolashiisii gaarsiiyay 29-gool Premier League.

 Egyptians spoiled their ballot papers by voting for Mo Salah

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close