Man United oo ku soo laabatay kaalinta 2-aad…(Lukaku oo 100-ka gaaray iyo Sanchez oo soo laabtay)+SAWIRRO

(Manchester) 31 Maarso 2018. Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay Swansea City oo ay ku martay 2-0 iyadoona ku soo laabatay kaalinta 2-aad kaddib Liverpool oo galabta si ku meel gaar ah u sii degtay.

Qeybta hore ayay Red Devils la timid labada goolba.

Romelu Lukaku ayaa shabaqa tagay daqiiqadii 5-aad ee bilowga ciyaarta kubbad uu ka helay Alexis Sanchez.

Goolka ayaa uga dhignaa inuu noqday kiisii 100 aad uu ka dhaliyo Premier League isagoona noqday laacibkii 28-aad ee tiradaasi gaara.

Sanchez oo goolka hore caawiyay ayaa markiisa shabaqa tagay kaddib caawin qurxoon uu ka helay Jesse Lingard.

Goolka ayaa ka dhigan inuu dhaliyay kisii labaad ee Man United tan iyo sidii uu Janaayo uga soo tagay Arsenal.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close