Laacib ka ciyaara Spain oo xaalad adag ku jira kaddib markii uu ka soo dhacay DABAQ Hoteelka ay kooxdu daganeyd…!!!

(Spain) 31 Maarso 2018. Pelayo Novo ayaa xaalad adag ku jira kaddib markii uu ka soo dhacay Dabaqada Saddexaad Hoteel uu la deganaa kooxdiisa Albacete ee ka ciyaarta heerka labaad ee horyaalka Spain.

Albacete ayaa caawa kulan la yeelan lahayd Huesca balse la baajiyay kaddib musiibadii qabsatay Novo.

Naadigiisa ayaa xaqiijiyay  in 27-jirka qadka dhexe ka ciyaara uusan dhaq dhaqaaqeyn isla markaana isbital loola cararay iyadoo ay wehliyeen shaqaalaha kooxda.

 Albacete midfielder Pelayo Novo is in serious condition after fall

Balse Marca ayaa warineysa inkastuu halis ku dhacay misane dhaawaca soo gaaray uusan khatar badan ku lahayn noloshiisa dambe.

Ilaa hadda ma cada waxa sida dhabta ah ugu dhacay.

Waxaase la fahansan yahay inuu ka soo dhacay daaqada ee dabaqada saddexaad, waxaana ogaaday midaa oo soo sheegay saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin Ruben Mino iyo Susaeta.

 Pelayo Novo is in critical condition after falling from third floor window

Pelayo Novo ayaa waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay Oviedo 2007-dii ka hor inta uusan u dhaqaaqin Elche shan sano kaddib.

Intaa kaddib wuxuu amaah ku qaatay Cordoba iyo Lugo. Xagaagii wuxuu ku biiray kooxda reer Romania ee Cluj balse wuxuu durba bur buriyay heshiiska wuxuuna badelkeeda ku soo biiray Albacete oo uu iminka ka tirsan yahay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close