DAAWO: ”Ukun haku jiro hadduu doono, hadda kaddib ka hadli maayo qandaraas kordhin ee iga daaya!” – Gattuso

(Milano) 30 Maarso 2018 – Gennaro Gattuso ayaa sheegay in intii ku filan laga hadlay qandaraas cusboonaysiintiisa kooxda AC Milan isagoo dhanka kale qirtey in uu si kale u maareeyn kari lahaa xaaladda Andrea Conti oo markale dhaawacmay.

Kooxda AC Milan ayaa u bira tumanaysa kulanka Classica-da Talyaaniga ee ay berri la yeelanayso Juventus dhanka Serie A, waxaase kulankaa hareeyay qandaraas kordhinta la filayo in loo sameeyo Gattuso.

“Waxaan wajanahaynaa naadi wayn, mana ka bixi karno inaannu markale khalad sameeyno haddaan doonayno usoo bixitaanka Champions League,” ayuu Gattuso ka sheegay shir jaraa’id.

“Cusboonaysiinta? Way imanaysaa, balse hadda kaddib kama hadli karo. Haddii ay ukun ku dhex jirto iyo haddii kaleba, micne malaha ee fadlan aan ka gudubno.” ayuu raaciyay Gattuso oo sidoo kale magacaabay laacibiinta berri ka qayb geleeysa ciyaartaa adag.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close