Ogoow sirta ka dhexeysa qaab ciyaareedka Messi iyo Buskudka (Sheeko xiiso leh oo la ogaaday)

(Barcelona) 30 Maarso 2018 Buskudka ayaa la ogaaday inuu qayb wayn ka qaatay hormarinta qaab ciyaareedka laacibka Barcelona iyo xulka Argentina ee Lionel Messi.

Ilmaha marka ay yar yaryihiin waxaa loo sheegaa in loo iibinayo buskud haddii ay sifiican u qabtaan shaqada markaas loo dirayo haddii ay tahay wax barasho ama wax kale.

Si lamid ah ilmaha kale, Messi ayaa aad u jeclaa buskudka, tababarihiisii markii uu ahaa 7-jir ayaa sheegay inuu u balan qaadi jiray inuu siinayo buskud haddii uu sifiican u ciyaaro.

Image result for Carlos Marconi Messi

Carlos Marconi oo ah tababarihii gacanta ku haayay Messi 7-jirkiisii ayaa sheegay inuu siin jiray Messi buskud si uu u dhaliyo goolal.

Tababaraha ayaa intaa ku daray in maalin uu u sheegay Messi inuu siinayo laba xabo oo buskudka uu ugu jecelyahay ah haddii uu madaxa gool ku dhaliyo.

Messi ayaana sidii laga doonayay sameeyay isla markaana gool ayuu madaxa ku dhaliyay, kadib wuxuu u soo orday dhanka tababare Marconi isaga oo ku qaylinayay “Isii labadii buskud”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close