MUUQAAL: Olivier Giroud oo ka masayray Mbappe (Arag Muxuu sameeyay?)

(Paris) 30 Maarso 2018 Weerar yahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa ka masayray saaxiibkiis Mbappe kadib guushii xulka France uu ka gaaray Ruushka.

Ciyaarta kadib, dhawr wariyayaal ayaa ku soo xoomay Olivier Giroud si ay u waraystaan, laacibka ayaana ogolaaday inuu siiyo waraysi.

Intii waraysigu uu socday, waxaa Olivier Giroud gadaashiisa soo maray Mbappe, wariyihii ayaa durba bilaabay inuu isha la raaco weerar yahanka PSG taas oo ka caraysiisay weerar yahanka Chelsea.

Olivier Giroud ayaa ku yiri wariyihii “Ma waxaad doonaysaa inaad isaga aragto? Orod oo arag hadaba”, wuxuuna ka dhaqaaqay goobtii.

Laakiin wariyihii ayaa raali galiyay Olivier Giroud kaas oo ugu danbayntii sii waday waraysiga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close