MUSHTARI MESSI: Lionel Messi oo hoteelkii 2-aad ka iibsadey dalka Spain + Sawirro

(Barcelona) 30 Maarso 2018 – Lionel Messi ayaa haatan u muuqda nin maalgashi dhanka marti soorka ah, iyadoo sida ay qoreeyso saxaafadda Spanish-ku uu laacibkani magaalada dalxiiska loo tago ee Ibiza ka iibsadey hoteel la la yiraahdo “Es Vive”.

Hoteelkan ayaa ka kooban 52 qol oo uu gudaha ka naqshadeeyay Sean Cochrane, gudihiisuna waa wada marmar, wuxuuna leeyahay muuqaal wayn oo badda looga jeedo, laba makhaayadood oo waawayn, meelo lagu jimicsado iyo baraagaha dabaasha.

Xilliyada caadiga ah qol double ihi wuxuu ku kacayaa 100 euro, balse xilliyada fasaxyada sida xagaaga sicirku aad buu u sara kacayaa.

Messi ayaa horay u iibsadey hoteelka “MiM Sitges” ee magaalada Barcelona, kaasoo uu la wareegey bishii Juun 2017 isagoo ka bixiyay 30 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close